Madaxweynaha Somalilandad Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlayay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad uu siinayo sidii nabad waarta looga gaari lahaa colaadda ka taagan halkaas, ee gaartay gacan ka hadalka dhiiga ku daatay ee u dhaxeeya ciidan Somaliland iyo ku deegaanka.
Biixi ayaa intaas ku daray dhankooda ay ku dhawaaqeen xabad joojin shuruud la’aan ah, iyadoo la xasuusto in madaafiic lagu garaacay magaalada ay geystay khasare soo gaaray dad shacabka oo dantu biday in markii dambe in ay isaga baxaan magaalada, kuwaas oo ku sugan xeryo barakac oo ku yaalla Puntland iyo Dowlad Deegaanka.
“Qodobka koowaad ee aan mudnaanta siinayo maanta waa dhibaatada ka jirta gobolka Sool, oo ahayd mid aanan filaynin, arrinta ugu horreysa waa inaan si nabad ah u xalinno xaaladda Laascaanood, dowlad ahaan marwalba waxaan ku dhawaaqaynay xabad joojin iyo in shuruud la’aan la joojiyo dagaalka,” ayuu yiri madaxweynaha.




From the comments