Madaxweynaha Galmudug oo Gaaray Magaalada Baydhabo
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka kooban xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Madaxweynaha (Laftagareen),
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Magaalada Baydhabo uga qeybgalay shirka Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan mas’uu;iyiin kale duwan sida Ra’iisulwasaare Xamase, Yuusuf Xuseen Jimacaale Madaale iyo guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaliya.
Goobjoog News