Ciidamada ilaalada Xeebaha dalka Turkiga ayaa sheegay in Muhaajiriin ay ku geeriyoodeen meel ka baxsan biyaha dalkaasi, iyaga oo qeyb ka ahaa Muhaajiriin magangalyo doon ah oo ku sii jeeday dalka Giriiga.
Laba Doomood oo ay la socdeen Tahriibayaal gaaraya 42 ruux ayaa dib looga soo celiyay badda Giriiga, taas oo keentay in Doomaha qaraqmaan, ciidamada Ilaalada Turkiga ayaa sheegay in lasoo badbaadiyay 38 Ruux.
Muhaajiriinta la socday labada Dooni waxaa laga helay meel ku dhow Gacan-biyoodka The Dilek Peninsula ee Degmadda Kuşadası ee Gobalka Aydin ee Galbeedka dalka Türkiye, xilli loo diiday in ay galaan Giriiga.




From the comments