Madaxweynaha Jubbaland oo Gaaray Magaalada Baydhabo
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo oo katirsan labada gole ee Jubaland ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada oo lagaga hadlayo qodobo kala duwan oo dhanka amniga iyo Dastuurka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu furo shirka Watashiga Qaran, iyadoo dhammaan Martida ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Siciid Abdullahi Deni.
Goobjoog News