Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.8 ayaa ku dhuftay xeebaha Koonfureed ee wadanka Ecuador ee dhaca Latin America, waxaana lasoo warinaa in ay jiraan khasaare dhimasho iyo burbur dhimayaal, sida mas’uuliyiinta dalka laga soo xigtay, Dhulgariirka ayaa dhacay duhurnimadii xilliga dalkaas.
Howlwadeennada caafimaadka iyo samatabixiyeyaasha ayaa xaqiijiyay geerida 12 ruux, kuwaas oo deganaa gobolka El Oro ee Koonfurta dalkaas, oo ah halka ay ka dhacday dhibaatada daran ee uu sababay Dhulgariirka, Mucala iyo Cuenca ayaa ah magaalooyinka sida xooggan u burburay.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Dhulgariirka laga dareemay magaalooyin kale oo dalkaas ah, isaga oo noqonaya Dhulgariirkii ugu xooganaa tan iyo sanadkii 2016, markaas oo wax ka badan 600 oo ku dhinteen, halka kummaan kale ay dhaawacmeen, waxaa jiray burbur xooggan guryo ah.




From the comments