Ciidamada Ammaanka degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegay in howlgal lagu sameeyay degmada lagu qabtay laba koox burcad ah, kuwaas oo la sheegay in ay dhac ka geysanyeen gudaha degmadaasi.
Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubaysnaa bastoolad Caag ah oo uu dadka ku dhacayay, halka kan kalana uu ahaa darawalka Mooto Bajaajka wax lagu dhacayay, sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka fulisay.
Taliska Qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in eedeysanayaasha lasoo qabtay sida ugu dhqaha badan lagu horgeynayo caddaaladda lana marsiinayo waxa sharcigu dhigay, booliiska ayaa hore u qabtay koox lamid ah.




From the comments