Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah uu hortago maxkamad ku taallada magaalada New York, halkaas oo ay uga billaaban doonto dhageysiga dacwado uu wajahayo, kuwaas uu galay markii looga adkaaday doorashada iyo intii uu xilka haayay intaba.
Wuxuu noqon doonaa madaxweynihi ugu horreyay Mareykanka ee lasoo hortaago maxkamad, iyada oo loo heysto danbi, waxyaabaha loo heysto ayaa waxaa kamid inuu xiriir la sameeyay haweeneey ka ganacsata jirdeeda xilligii uu ku jiray olilaha tartanka, sanadkii 2016, taas oo keentay in dib laga ogaado xiriirkooda.
Waxyaabaha kale ee madaxweyne Trump loo heysto ayaa waxaa kamid ah inuu lacag dhag dhan $130,000 uu ku bixiyay inuu aamusiyo gabadha si aysan usoo shaacbixin xiriirka kala dhexeeyay madaxweynihii, taas ayaa qeyb ka ah maadaama uu diiday inuu uga jawaabo TV-da markii ay su’aalo ka weydiiyeen xiriirka inuu jiro.




From the comments