Hawlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS) ayaa waxaa soo food saartay cabsi hor leh oo laga qabo in ay dib ugu dhacaan halbeegyada ay beesha caalamku dib u cusboonaysiisay joogitaankooda Soomaaliya, xilli la filaayo in 2024, December askariga ugu dambeeyo dalka isaga baxo sida dowladdu sheegtay.
Todobaadkan, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu kaalin weyn ka qaatay weerarrada ka dhanka ah kooxda Alshabaab, haddana ay jiraan tillaabooyin laga yaabo inay dib uga dhacaan qorshaha ATMIS, kuwaas oo dhowaan laga soo bedelay howlgalka Afrika ee AMISOM.
Xubnaha gudiga amniga ee ka kooban 15-ka xubnood ee AU-da, oo wax ka qabta dhibaatooyinka nabadda iyo amniga ee qaaradda, ayaa sheegay in dhaqaale yari ay u badan tahay in ay cunaan qorshaha Howlgalka ATMIS, oo ah arrin khatar ku ah ciidamada amniga Soomaaliya, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka jira amniga dalka xilligaan.




From the comments