Ciidamada Boliiska Degmada Hodan ayaa sheegay in gacanta ku soo dhigeen eedeysane loo haysto inuu dhac ka geystay goob ganacsi oo ku taala degmadaas.
Ruuxaan ciidanku ay qabteen ayaa loo haystaa inuu goobta ganacsi ka qaatay tiro teleefoono ilaa 3 moobil ah kuwaas oo ka la ahaa A32, A13 iyo A33.
War kooban oo Taliska kasoo baxay ayaa lagu yiri “Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanuhu gacanta Boliiska ku jiro cadaaladana uu wajahayo”.




From the comments