Shan qof ayaa lagu dilay lix kalena waa lagu dhaawacay toogasho wadareed ka dhacday magaalada Louisville ee gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka, sida ay booliisku xaqiijiyeen. Booliska ayaa sheegay in toogashadu ay ka dhacday bangi ku yaalla magaalada.
Shir jaraa’id oo ay qabteen daqiiqado ka hor, waxay sheegeen in lix qof ay ku dhaawacmeen oo loo qaaday isbitaallada deegaanka sarkaal booliis ah ayaa ka mid ah dadka dhaawaca ah, toogashada ayaa waxaa geystay nin hubeysay oo weerar ku qaaday goob ganacsi.
Ninkii toogashada geystay ayaa isaguna dhintay. Ma cadda waxa keenay dhimashadiisa, lama shaacin in isna la toogtay iyo in kale , laakiin Booliiska ayaa xaqiijiyay in la helay meydkiisa oo kaliya. dadweynaha ayaa laga codsaday inay ka fogaadaan goobta uu weerarku ka dhacay.




From the comments