Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hambalyo u diray ciidanka xppgga dalka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan sanad-guuradii 63-aad ee aasaaskooda, waxaana uu sheegay in munaasanaddaan ay kusoo aaday xilli ay ciidanka xoogga dalka ay ku jiraan howgallo ka dhanka Al-shabaab.
“Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka waa maalin ku asteysan ayadoo sanadguuradii la xusay xili halgan lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal dag iyo gaardis balse lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada”ayuu yiri madaxweynaha oo hadlay.
Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka iyo meello kale oo ka mid ah dalka lagu qabto munaasabad lagu weyneynayo maalintan lagu weynaynayo, sanadkaan ayaa ciidanku waxaa ay u dabaaldegayaan 12-ka April, iyadoo ciidanku ay guulo ka gaareen dagaallada ay kula jiraan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.




From the comments