Warar kale duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil ka dhacay xaafadda Galmudug ee duleedka Muqdisho, kadib markii koox hubeysay ay halkaas ku dileen nin la sheegay inuu ahaa Oday xaafadda siweyn looga yaqaano.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ninka la dilay uu ahaa qof ka shaqeynayay Goomiistaha lagu hagaajiyo lugaha gaadiid, lamana oga sababta kadambeysay dilkiisa, kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magaabi jiray Cabdullaahi Suudi, ciidamada ammaanka dowladda oo gaaray goobta uu falka ka dhacay ayaa ka sameeyay baaritaanno, walow aan la shaacin cid loo qabtay dilka Marxuumka.




From the comments