Qarax Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Sheeko:Arrimaha Amniga
Warar kale duwan ayaa kasoo baxaya qarax khasaare dhaliyay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, qaraxa ayaa geystay khasaare isugu jiradhimasho iyo dhaawac, warar kale duwan ayaa laga helayaa.
Taliska Booliiska gobolka Banaadir oo ka hadlay ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay kadib markii Rag saarnaa Mooto Bajaaj sidday Qarax ay isku dayeen in ay gudbaan bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku dhow Isbitaalka Yardameeri meel aan ka fogeyn.
“Abaare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa dhagarqabayal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday Waaxda Gen Daa’uud, dhartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman ayaa iyagii ku laabtay waxaana goobta ku halaagsameen 3 dhagarqabe” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliiska.
“Halka, qof muwaadin ah oo wadada marayaay uu dhaawac fudud ka soo gaaray iyo Burbur kooban oo soo gaaray guryaha laamiga ku teedsan agagaarka Haama-dhowr ama Isbilatka Yardimeli. Dhacadaas waxaa ku bilowday baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda kala wadaagidoonaa” ayaa lasii raaciyay qoraalka Booliiska kasoo baxay ee ku aadan qaraxa ka dhacay Muqdisho.
Tan iyo markii ammaanka caasimadda ay la wareegeen ciidan Police Milatare, waxaa caasimadda ka socday howlgallo isdabajoog ah oo ay sameeyeen ciidan, kaas oo lagu xaqiijinayay amniga guud, waxaana sidoo kale ay hubinayaan dadka iyo gaadiidka caasimadda.
Goobjoog News