Xukuumadda Soomaaliya oo Ka Walaacsan Dagaal Kasoo Cusboonaaday Sudan
Sheeko:Wararka Caalamka
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay muujinayso sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya ciidamada iyo xoogagga birmadka deg-degga ee dalka Suudaan, kuwaas oo ay kala hoggaaminayaan taliyaasha ugu sareeya, ciidanka dalkaas, dagaalka ayaa geystay khasaare soo gaaray dad rayid, iyadoo loogu baaqay in dhaqso loo xaliyo.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka, si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay rabshadaha ka soo cusboonaaday Suudaan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda.
Goobjoog News