Dagaalka u dhaxeeya Milatariga Sudan iyo xoogagga kasoo horjeeda ayaa markale dib uga qarxay maalintii 3-aad magaalada Khartum ee caasimadda dalkaasi, iyadoo dhinacyada ishaya ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kale duwan, iska hor imaadyada ayaa ku faafay qeybo badan oo dalka ah , sida ay sheegayaan wararka la helayo.
Ku dhawaad 100 qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta, waxaana sidoo kale la qiyaasayaa in tirada dhaawaca ay gaareyso 1,100 qof ay jiraan, kuwaas oo ku waxyeeloobay dagaalka u dhaxeeya dhinacyada, iyaga oo ku loolamaya gacan ku heynta goobo muhiim ah oo yaalla caasimadda Khartuum oo ay ku sugan yihiin.
Gelinkii hore ee Axadii shalay ahayd ayaa waxay sameeyeen xabad joojin ku meel gaar ah si dhaawacyada u kala gurtaan, walow galinkii dambe uu dagaalka markale dib uga qarxay qeybo kamid ah Koonfurta magaalada, iyadoo ciidanka Milatariga ay duqeeyeen xarunta ugu weyn ee xoogagga gargaarka degdega ah ee RSF la magac baxay.




From the comments