Macaaradka dalka Kenya ayaa ku dhowaaqay in ay qabanayaan mudaharaadyo looga soo horjeedo dowladda, kaas oo dhici doona labada bisha soo aadan ee May, waxaana uu kusoo aadayaa xilli hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu hore u sheegay in bisha Ramadaan kadib ay qaban doonaan bannaanbaxyo kuwa nabadeed ah.
Madaxweynaha wadanka Kenya William Ruto ayaa dhowaan mucaaradka ka dalbaday in ay siijaan jaanis si uu u sameeyo isbedel, waxaana uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in amniga dalka la ilaaliyo, iyadoo dib loo howlgaliyay ciidamada Keydka dalka Kenya, kuwaas oo loogu talogalay in ay xilliyada rabshadaha ka hortagaan.
Xoogagga Mucaaradka oo bannaanbaxyo dhigay intii lagu jiray bishii March ee sanadkaan ayaa waxaa uu ahaa mid rabshado watay, kaas oo keenay in ciidanka iyo muharaadayaasha ay isku dhacaan, waxaa la gubay goobo lagu cibaadeysto iyo kuwa waxbarasho, waxaa sidoo kale dab la qabadsiiyay beer uu lahaa madaxweynihii hore.




From the comments