Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay kulan Dadweynaha ay su’aalo ku weydiinayeen, kuwaas oo ku aadan sanadka u buuxsamay iyo waxqabadka dowaladda ayaa ka hadlay xiisadda ka taagay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo go’aanka dowladda ee arrintaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay siinayaan in colaadda la joojiyo oo lagu bedelayo wadahadal, taas oo lagu joojinayo dhiiga dadanaya ee Soomaaliyeed: Waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa in la joojiyo colaadda socota, la joojiyo dhiigga qulqulaya, kaddibna miis la wada fariisto” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in ay tahay waxaan la aqbali karin in muwaadin Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo calanka Buluuga ah ee Jamhuuriyadda federalka, waxaana uu sheegay in mudnaanta koowaad ay siin doonaan canaka Buluuga ah iyo midnimada Jamhuuriyadda federalka ah, isaga oo garab istaagay reer Laascaano.




From the comments