Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay sababata dowladdu ku dooratay in dagaalka Al-shabaab ay kala kaashadaan ciidanka dowladaha safka hore, isaga oo carabka ku dhuftay cid kasta oo wax kala qabaysa in ay kala kaashanayaan si loo soo gabagabeeyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada gobolka.
Xasan Sheekh oo ka qeyb galayay kulan Dad weyne oo lagu qabtay Muqdisho kana jawaabay su’aal ahayd sababta ay dowladdu u door bidday ciidanka safka hore ayaa ku jawaabay in ay kuwa dhow iyo kuwa fog ay kaashanayaan, waxaana hadalkiisa uu kusoo aadayaa xilli dowladda dhowaan ku dhawaaqday wajiga 2-aad ee howlgallada dalka.
“Ma heli karno inaan dhahno AMISOM ha naloo soo badiyo, ma heli karno AMISOM sida annaga aan rabno in ay u shaqayso, dowladahoodiina kalama heshiin karno sababtoo ah AMISOM waxay ku jirtaa United Nations Security Council iyo African Union” ayuu yiri xilli uu ka hadlaayay ciidanka AMISOM iyo howlgallada ay wadaan.




From the comments