Xilli dabayaaqada sanadka soo aadan ee 2024, la qorsheeyay in ciidanka howlgalka midowga Africa ee ATIMIS ay ka baxayaan Soomaaliya ayaa waxaa bartamaha sanadkaan lagu wadaa in dalka laga daadgureeyo kumanaan ka tirsan ciidanka midowga Afrika sida uu sheegay mas’uul u hadalay howlgalka nabad ilaalinta ee EX AMISOM.
Maj. Gen. Marius Ngendabanka oo ah taliye ku-xigeenka howlagalka cusub ee nabad ilaalilinta ATMIS ayaa sheegay in marka la gaaro bisha June ee sanadkaan qaraarka Qaramada Midoobey uu dhigayo in Soomaaliya laga saaro 2000 oo askari, isaga oo xusay in howlo farsamo ay dib ugu dhaceyso fulinta howshaan bisha August 2023.
Taliyaha oo ka jawaabayay su’aal aheyd howlgalka socda kama muuqataan ayaa ku jawaabay in ciidanka xoogga dalka ay ka taageeraan dhinacyada farsamada, saadka, sirdoon iyo diyaadaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa kale ciidanku istimaalaan, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay jiraan waqtiyo badan ay ka muuqdeen howlgallada.




From the comments