Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo oo salaadda Jumcaha kadib Khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa madaxda Puntland ugu baaqay in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka, kadib markii uusoo ifbaxay khilaaf ka dhashay doorashada.
“Waxaan rabaa inaan sheego raali kama ihi dadkaas inuu nidaamku ka dumo iyo iney isdilaan raali kama ihi intaba Madaxda Puntland, waa in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka. Raalli kama noqon karno in muddoo kooban lagu dumiyo tacab 24 sano aan soo dhiseynay” ayuu yiri madaxweynaha Xasan Shiikh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda ay qaaday tallaabbooyin ka dhan ah la-dagaallanka musuq-maasuqa islamarkaana ay bilaabayso qorshe qaran oo lagu ilaalinayo ammaanada shacabka, waxaana uugu baaqay hey’adaha dowladda in ay ka digtoonaadaan wax waliba oo keeni kara musqmaasuq iyo wax isdabarin maaliyadeed intaba.




From the comments