Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, howlgalada Al-shabaab looga xoreeynayo deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan kuwa dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Shiraka ayaa waxaa sidoo kale lagu gorfeeyay maareynta fatahaadaha Wabiga Shabeelle, Warbixin Barnaamijka xasilinta iyo heerarka ay marayaan, Barnaamijka kasoo kabashada xasaradaha (SCRP), iyo Qorshe-yaasha Caafimaadka ee Hirshabeelle gaar ahaan Cusbitaalka Jowhar.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixyay amniga guud ee Hirshabeelle, Guulaha laga gaaray howlgalada Al-shabaab iyo diyaar garowga loogu joro wajiga 2aad ee Howlagalada lagusaarayo kooxda inta kaga sugan deegaannada maamulka Hirshabeelle.




From the comments