Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay siddeed qof waqooyiga magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, kuwaas oo ka dukaameysanayay suuq ganacsi oo ku yaalla halkaasi.
Ciidamada gurmadka deg deg ah oo goobta gaaray ayaa sheegay in boqolaal kale laga daad gureeyay suuqa, kadib markii uu dhacay falka toogashada ah uu geystay nin ku hubeysan qori.
Booliiska ayaa sheegay in ay toogteen ninkii hubaysnaa ayna rumeysan yihiin in uu kaligiis falka geystay, kaas oo lagu dilay Sideed qof, xilli ay ku jireen dukaamaysi suuqa weyn ee magaalada Allen.




From the comments