Waxaa maanta muwaadiniinta dalka Turkiga ay u dareerayaan soo doorashada madaxweynaha iyo Baarlamaanka, waxaana dhinacyadu ay soo gabagabeeyeen ololahooda doorasha, xilli doorashada sanadkaan ay tahay middii ugu adkeyd oo madaxweyne Erdogan uu ka wajahayo, isbaheysiga uu hoggaaminayo Kemal Kılıçdaroğlu
Sanaadiiqda cod bixinta oo furmay waxay furmi doonaan 08: 00 wakhtiga Turkiga waxayna xidhmi doonaan 17:00 galabnimo ee isla xilliga dalkaasi, waxaana jira muwaadiniin goor hore tagay goobta si ay codkooda ay u dhiibtaan, in ka badan 191,000 oo sanaadiiqada cod bixinta ayaa laga dhigi doonaa ilaa 1,094 degmooyin.
Muwaadiniinta codadkooda dhiibanaya ayaa waxaa lagu tilmaamay in ay gaarayaan 60 milyan 697 kun oo ruux, kuwaas oo xaq u eh inay dalka ka codeeyaan, Tirada musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa ah 4 musharax, tirada xisbiyadu waa 24, halka xildhibaanada madaxa banaan ay yihiin 151 musharaxiin ah.




From the comments