Dooashada dalka Turkiga ayaa natiijada kasoo baxday wareegii koowaad waxaa ay muujinaysaa in dhinac walba uu heysto fursad uu ku guuleysan karo. Madaxweynaha xilka haya Recep Tayyip Erdogan oo helay %49.4 codadkii la dhiibtay, iyo Kemal Kilicdaroglu oo helay %45. codadkii la tiriyay maalinimadii shalay ilaa iyo xalay.
Doorashada ayaa waxaa ay tahay mid la iskula gudbay wareegga labaad, maadaam nidaamka doorashada dalka u haddii uusan jirin murashax %50 ka badan haysta, labada murashax ee ugu codadka badan ayaa doorasho wareeg labaad ah galaya, waxaana laba musharrax ay markale dib ugu tartami doonaan 28 bishaan wareegga labaad.
Sidoo kale waxaa aad loogu tartamayaa aqlabayidda xildhibaannada musharraxiinta soo baxaysa, waxaan xisbiga AK party iyo kan ay xulafada yihiin ee MHP ay ku guulaysteen 316 kursi oo ka mid ah 600 ee kursi, sida natiijada hordhaca ah ay sheegayaan ee guddiga doorashada, mucaaradka ayaa dhankooda heysta mid ku dhow AK.




From the comments