Doorashada Turkiga oo la gudo galay wareegga labaad ayaa waxaa maanta oo Sabti ah bilaabatay codbixinta ay ka qeyb qaadanayaan muwaadiniinta dalka Turkiga, kuwaas oo ku kala sugan wadamada caalamka, waxaana ay Codbixintu socon doontaa ilaa 24ka May.
Guddiga sare ee doorashada ee loo soo gaabiyo (YSK), ayaa waxaa laga soo xigtay sanaadiiqda cod bixinta in la dhigi doono ilaa 167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan, kuwaas oo ay ku nool yihiin muwaadiniinta Turkida ee Qurbojoogta ah.
Doorashada Qurbajoogta marka ay dhamaato habka cod bixinta ee dibadda, codadka waxaa la geyn doonaa dalka Turkiga , halkaas oo lagu tirin doono, iyadoo si weyn loo sugayo amniga sanaadiqda, doorashada sanadkaan ayaa siweyn ah mid la isugu haayaan dhinacyada.




From the comments