Wadanka Dimuquraadiga ah ee Gongo ayaa waxaa ka dhacday arrin dhif iyo naadir ah, taas oo baraha bulshada hadal heyn badan ka abuurtay, kadib markii saxaafadda dalkaas ay baahisay in wasiir ka tirsan dowladda uu Uur u yeelay ku-xigeenkiisa, taas oo noqotay mid siweyn hadal heyn u abuurtay.
Tony Nwaba oo ah wasiirka waxbarashada dalkaas ayaa falkaan galmada ah kula kacay Aminata Namasia oo ah wasiir ku -xigeenka waxbarashada dalkaas, sida uu bartiisa Twiter-ka uu ku qoray saxafi u dhashay dalka Gongo, isaga oo sheegay inaan madaxda lagu aamini karin la shaqeynta Dumarka.
Labadan nin ayaa dhaleecayn culus kala kulmay muwaadiniinta DRC, iyadoo lagu eedeeyay inay muujinayaan dhaqan xumo iyo inay muujinayaan akhlaaq xumo dalka ka jirta. Arrintaan ayaa noqotay mid aad bulshada u dhexe qaadaya falka uu ku kacay wasiirka waxbarashada Tony Nwab.




From the comments