Xilli maalinta barri oo taariikhdu tahay 25-ka May deegaannada dowlad goboleedka Puntland looga dareerayo doorashooyinka golaha deegaanka ee qof iyo cod, ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamo diidan sida ay ku socoto doorashada ay dhaceen sanaadiiq ku socotay deegaanno kamid ah gobolka Nugaal oo aad la isugu hayo.
Sanaadiiqdaan oo ku sii jeedayay magaaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa habeenimadii xalay waxaa jidgooyo u dhigtay ciidan diidanaa doorashada, waxaana la soo warinayaa in ay dhaceen, iyadoo sidoo kale ay taagan tahay xiisad ka dhalatay arrintaas, doorashada Puntlanad ayaa ah mid dhinacyadu ku muransan yihiin.
Isla gobolkaas qaybo kale oo ka mid ah ayaa la soo warinayaa in aysan gaarin wali qalabka doorashada mana jirto ilaa iyo hadda cid arrimahaan ka hadashay oo ka tirsan guddiga doorashada iyo mamaalka Puntland intaba. Waddooyinka qaar ayaa waxaa gooyey ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa diidan doorashooyinka goleyaasha.




From the comments