Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, isaga oo khudbad u jeediyay labada gole ee Baarlamaanka, waxaana uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladaha dalka iyo doorashooyinka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in lasoo maray waddo dheer, taasoo qaadatay waqti badan, waxa uuna Xildhibaannada Baaramaaka 11-aad ka dalbaday in ay la qaataan go’aannadii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Qaran oo kusoo idlaaday magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyntii laga soo saaray Mar-murtiyeed.
Madaxweyna khudbaddiisa waxa uu ku dul istaagay isbeddelka amniga caasimadda Muqdisho, isagoo sheegay in xildhibannadu ay kaalintooda qaataan soona saaraan sharciyo muhiim u ah taabogelinta amniga iyo xasiloonida caasimadda. Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay ciidamada ammaanka.




From the comments