Tan iyo markii ay todobaadkan Golaha Wadatashiga Qaran ay soo saareen War-murtiyeed ku saabsan hannaanka doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonta 2026 ayaa iska soo daba dhacaya ka falcelinta ku aaddan qodobada ka hadlaya doorashada, waxaana ugu dambeeyay hadda ururka bulshada rayidka ah, oo argtidooda ku biiriyay.
Bulshada Rayidka ayaa bogaadiyay in doorashooyinka dalka loo raro heer qof iyo cod ah, balse waxay aad u dhaliileen go’aamada Golaha Wadatashiga oo ay ku tilmaameen kuwa aan “ku dhisnayn xog uruurin dhab ah”, iyaga oo sidoo kale sheegay in aan lala tashan hay’adaha dawladda heer federaal iyo heer dowlad goboleedba.
Waxay soo saareen qodobbo ay ka mid yihiin in marka hore la sameeyo sharci doorasho iyo in la dhamaystiro dastuurka qabyadaha iyo sidoo kale in baarlamaanku “aysan ku degdegin” ansixinta heshiiskan doorasho oo 29-kii bisha la horgeeyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .




From the comments