Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.
Hadalka Museveni ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkasi dhacay 26-kii May ay ku dileen 137 askari, kuwaas oo ka tirsan dowladda Uganda, madaxweyne Museveni ayaa arrintaan ku sheegay wareysi dheer uu bixiyay kadib weerarka.




From the comments