Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ka furmay Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha bin’aadamnimada.
Shirkaan waxaa si wada jir ah u daahfuray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beenebeene.
Waxaa ka qeybgalaya shirkaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiirada Gargaarka dowlad Goboledyada, Agaasimaha Gargaarka Gobolka Banaadir ,wakiilo iyo safiiro ka socda Beesha Caalamka.




From the comments