Dalka Nigeria Dablay hubaysan ayaa ku dishay ugu yaraan 30 qof, halka ay afduubteen tiro caruur ah, weeraro ka kala dhacay illaa saddex gobol oo ku yaalla dhinaca woqooyi ee dalkaas, sida laga soo xigtay laamaha ammaanka iyo dadka deegaanka, kooxahaan ayaa soo badanayay, xilli sidoo kale ay jiraan tiro kale oo dhaawacyo ah.
Falalkan ayaa ka dhacay gobollo ay ku xooggan yihiin, kooxaha budhcadda ahi, waxayna weeraradooda u adeegsadaan mootooyin, iyaga oo ka faa’iidaysanaya goobaha aanay joogin ciidamada boolisku, xilligaas oo ay afduub kula kacaan dadka deegaanka, iyo ardayda, iyaga oo dalbanaya madaxfurasho.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxahan hubaysani, inay weeraro ku ekeeyeen tuulooyinka Janbako iyo Sakkida oo ku yaalla dhinaca Woqooyi Galbeed ee dalkaas, waxay gobolka Zamfara ay ku dileen illaa 24 qof. Dablaydan ayaa sidoo kale tuulada Gora ka afduubtay, caruur yaryar oo loo dirsaday inay kaymaha ka soo ururiyaan xaabada dabka lagu shito.




From the comments