Goobjoog

Meydka Basaaskii Ugu Waxyeellada Badnaa oo Laga Helay Mareykanka

Waxaa la helay Meydka Sarkaal ka tirsanaa FPI-da Mareykanka, kaas oo Isku bedelay Jaasuus u shaqeyay dalka Ruushka’ isaga oo noqday mid ka mid ah basaasiinta ugu waxyeellada badan taariikhda…

Meydka Basaaskii Ugu Waxyeellada Badnaa oo Laga Helay Mareykanka

Waxaa la helay Meydka Sarkaal ka tirsanaa FPI-da Mareykanka, kaas oo Isku bedelay Jaasuus u shaqeyay dalka Ruushka’ isaga oo noqday mid ka mid ah basaasiinta ugu waxyeellada badan taariikhda Maraykanka meydkiisa laga helay xabsiga gudihiisa, iyadoo aan la shaacin sababta uu u geeriyooda.

Robert Hanssen ayaa laga helay xarunta ugu ammaanka badan ee Florence, Colorado, subaxii Isniinta, Hanssen, oo 79 jir ah, ayaa helay in ka badan $1.4m oo caddaan ah, intii uu Ruushka u baasasay, Saddex boqol oo wakiil ayaa kiiskiisa ka shaqeeyay. Waxaa lagu xukumay xabsi daa’in oo lagu soo eedeeyay basaasnimo 2002-dii.

Doorkiisa sirdoonka awgeed, waxa uu helay xog sir ah, 1985-kiina waxa uu bilaabay fal-dambiyeedkiisii, isaga oo qoraal u diray Ruushka iyo Midowgii Soofiyeeti ee hore, markaas wixii ka dambeeyay dowladda ayaa ku heysay dabagal isaga oo markii dambe xabsiga la dhigay oo ugu dambeyn ku dhintay.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments