Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Israa’iil, kuwaas oo ka mudaaharaadaya qorshayaasha muranka dhaliyay ee xukuumadda Ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu ay ku dooneyso in ay wax kaga beddesho hay’adaha garsoorka iyo sidoo kale rabshadaha lagu hoobtay oo lagu hayo bulshada reer Falastiin ee ku dhaqan dalkaas.
Dibadbaxyadaan oo socda todobaadkii 23-aad waxaa ka qeyb galay ilaa 200,000 oo qof ,iyagoo billowday bishii Janaayo wax yar ka dib markii xukuumadda midigta fog ee Netanyahu la dhaariyay.
Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in aysan ka quusan doonin ilaa ay dowladdu baabi’iso isbeddellada sharci ee la soo jeediyay halkii ay dib u dhigi lahayd.




From the comments