Ciidamo Ka Tirsan Milatariga Soomaaliya iyo Daraawiishta KG oo Ku Dagaalamaya Baraawe
Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga dowladda federalka Soomalaiya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka qarxay magaalada Baraawe ee caasimadda maamulkaas, warar kale duwan ayaa kasoo baxaya sababta dagaaka.
Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Daraawiishta dhowaan laga qaaday magaalada Baydhabo, halka ciidanka kale ay yihiin kuwii ku sugnaa magaalada oo Al-shabaab kala wareegay, magaalada ayaa inta badan waxaa xiran ganacsigeeda, waxaana la isku adeegsanayaan hub culus.
Dagaalka magaalada ka dhacaya ayaa geystay khasaare kale duwan oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalamaya ee ciidanka Milatariga iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, waxaa inta badan istaagay usku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada,dhinacyada ayaa wada hub uruursi iyo gurmadyo kale duwan oo soo gaarayo.
Magaalada Baraawe ayaa dhowaan waxaa laga dhaxdhigay mashruux lagu dhisayo dekadda magaaladaas, kadib markii uu dhagaxdhigay guddoomiyaha golaha shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo halkaas dhowaan gaaray isaga iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayay.
Goobjoog News