Ra’iisulwasarae Xamse oo Hortagay Guddiga Joogtada ah Ee Golaha Shacabka
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliy.,
Kulanka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe) ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dajinta.
Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa ku bogaadiyey Golaha, ansixinta shuruucda muhiimka u ah dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka, iyagoo guddanaya waajibkooda Dastuuriga ah, waxuuna ka codsaday in ay meel mariyaan shuruucda wali horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah.
Xukuumadda Dan-Qaran ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay diyaar u tahay korjoogteyn iyo la xisaabtan, maadaama hadafkeedu uu yahay dowlad-wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa.
Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyay Guddiga joogtada wada-shaqeyntooda dhow, ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka, la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha.
Goobjoog News