Kumannaan Kalluun ah oo Kusoo Caariyay Xeebaha Dalka Mareykanka
kumannaan kalluun ayaa dhintay kuna soo caariyay xeebta Dhinaca Gacanka ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, arrintaan ayaa siyaabo kale duwan looga hadlay, waxaana wali aan la shaacin sababta keentay in Kalluuntaas intaas la eg ay dhintaan.
Khubarada qaar ee gobolka ayaa sheegay in ay arrintan ay sabab u tahay Ogsajiinta Oxygen oo yaraatay, taas oo ay ugu wacan tahay heerkulka biyaha oo sarreeya, taasna uu xamili waayay in Kalluunka uu ku dhex noolaado, waxaana geeriyootay kumannaan Kalluunka ah.
Xilliyadaan oo kale marka la gaaro Xagaayaha waxaa inta badan baddu ay noqotaa mid aad u kulul wadamada qaar, waxaana sidoo kale dhacda in bad xiran uu dhaco oo safarka badaha xitaa uu yaraado, noolaha ku nool gunta badda ayaa dareemay kul daran.
Goobjoog News