Hoggaamiyaha mucaardka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in uu dadka Kenyaanka ah u horseedi doono in ay ka soo horjeestaan in la meel mariyo hindise sharciyeedka Maaliyadda 2023 kaas oo uu ku tilmaamay ciqaab iyo dib u dhac ku yimid dadaallada lagu ciribtirayo faqriga dalka kajira.
Mr. Odinga, oo booqday Suuqa Toi ee Kibra oo la burburiyay Axadii la soo dhaafay, ayaa dhaliilay arrimaha ugu muhiimsan ee Hindise sharciyeedka oo ay ka mid yihiin canshuurta boqolkiiba 16-ka ah ee batroolka, canshuurta guryaha, iyo magdhowga caymiska.
Hogaamiyaha Azimio ayaa ka codsaday dowladda in ay billowdo wada hadal heer qaran ah oo looga hadlayo canshuurta adag iyadoo ujeedadu tahay in kenyaanka lagu qanciyo in ay taageeraan ajendaha halkii ay ku qasbi lahaayeen shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha in ay bixiyaan canshuurta boqolkiiba 1.5 ah.




From the comments