U bood dhigaalka

Shabeellaha Hoose: Guddoomiye Inta Gaarigiisa Lagala Degay Kadib La Dilay

Warrarka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay waqti dambe la diay guddoomiyihii ku-xigeenkii arrimaha Bulshada  degmada Walanweyn, kaas, inta gaari lagala dagay la dilay, isaga oo magaciisa lagu sheegay  Haashim Maxamed Xasan.

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay wadada u galeen gaari uu watay gudoomiyaha oo marayay Buulo Xaashi oo qiyaastii 25 km bari uga beegan degmada Wanlaweyn, deetana ay rasaas ku fureen sida lagu helayo  wararka ka imaanaya degmada ee la helay.

Illaa hadda lama sheegin kooxda dishay gudoomiye kuxigeenka iyo sababta ay u dileen toona, laakiin waxa Wanlaweyn iyo tuulooyinka ku xeeran ka taagnaa in dhawaalaba colaad sokeeye oo u dhaxeysa beelo ood wadaag ah oo dhowr jeer dagaalamay.

Goobjoog News