U bood dhigaalka

Hey’adda SODMA iyo Qatar oo Daahfuray Mashruuca Udxiyada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Mahamoud Moallim Abdulle iyo Safiirka dalka qadar ee Soomaaliya Ambassador Abdolla Salem Al Nuaimi ayaa maanta xarunta dhexe Hay’adda SoDMA ka Daahfuray masharuuca Udxiyada ee Soomaaliya taas oo loo qeybin doono shacabka Soomaaliyeed ee danta yar oo ku nool gudaha Maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo safiirka Dalka Qatar ayaa xarunta Hay’adda ku yeeshay kulan gaar ah oo wax badan looga hadlay Si gaar ah diirada lagu saaray Mashruuca Udxiyada oo ay fulineeyso Xafiiska Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya kaas oo laga qaybin doono qaybo ka mid ah Maamul gobaleedyada iyo Gobalka Banadir, kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda gargaarka Gobalka Banadir.

Madaxa Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya Mudane Cabdifatax Adam Macallim Aadaan ayaa kawarbiyey masharuucaan ayaa sheegay in ay Ka faa’iideysan doonaan 169-kun oo qoys ee dadka danta yar, agoonta iyo barakacayaasha kala duwan.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa sheegay in Gargaarkaan sidii loogu talagalay loo gaarsiin doono dadka danyaryar, Agoonta iyo barakacayaasha ka soo barakay Abaaraha, Fatahaadaha iyo Colaadaha.

Goobjoog News