Magaaladda Garowe ee caasimadda dowladda goboleedka ayaa waxaa wali ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidan ka wada tirsan maamulka, kuwaas oo kala taabacsan madaxtooyada iyo xoogagga mucaarada, isaga oo sababay khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Iskudhacaan labada dhinac ayaa yimid daqiiqado kadib markii golaha Wakiillada barqanimadii maanta ay ka dhawaajiyeen in laga doodayo furista dastuurka, kaas oo keenay khilaaf xoogga oo u dhaxeeya maamulka iyo xoogagga mucaaradka ah oo ka dhiyo diiday.
Inta la xaqiijiyay dagaalka maanta dhacay waxaa ku geeriyootay afar ruux, sida laga xaqiijiyay xarumaha kale duwan ee caafimaadka, warar aan la xaqiijin ayaa dhaawaca ku sheegaya ilaa 10 ruux meelo kale duwan ku waxyeeloobay waxaa ku jira ciidan.




From the comments