Ciidamada xasilinta caasimadda ee Police Militaireayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga waxaa ay ka bilaabeen deegaannada duleedka ka ah caasimadda ee Muqdisho, ciidankaan oo aad u fara badan ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa lagu arkayay deegaanka Ceelasha Biyaha.
Deegaannada Ceelasha Garasbaaley iyo Daarusalaam aya hore waxaa ugu sugnaa ciidamo isugu jiray Booliiska iyo Nabad Sugidda, waxaana lagu biiyay ciidanka xasilinta caasimadda, kuwaas oo dhowaan lagu soo tababaray dalka Uganda, waxaana ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.
Ciidanka Police Militaire ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku guuleystay xasilinta amniga caasimadda, walow ay dhaceen falal amniga lid ku ah laakiin ka hoose sidii la arki jiray, iyaga oo ku guuleystay in ay meesha ay ka saaraan dhaca loo geysan jiray shacabka iyo Ciyaal Weerada.




From the comments