Dowladda Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Sidii Cunaqabateynta Hubka Looga Qaadi Lahaa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la wadaagi doono xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay dagaalka ka dhanka Alshabaab.
Inta uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sugan yahay Washington ayaa waxa uu diirada saari doonaa sidii loogu heli lahaa taageero caalami ah dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al- Shabaab iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kulammo la qaada doona masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda hey’adaha caalamiga ah.
Guddiga Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood ayaa gaara go’aanka lagu kordhiyo cunaqabataynta hubka.
Markii ugu horraysay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ku soo rogo cunaqabatayn guud oo dhanka hubka ah ayaa aheyd dabayaaqadii bishii Janaayo, 1992.
Goobjoog News