Waxaa isasoo taraya wararka ku aadan nin Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada, dilka oo dhacay fiidnimadii Isniinta ayaa Booliisku sheegay in lagu dilay Maxamed Siciid Maxamed oo 55 jir ahaa sida lagu xusay bayaan kasoo baxay ciidan ammaanka.
Allah unaxariistee marxuumka la dilay ayaa ku sugnaa guri ku yaalla xaafadda Etobicoke oo ah xaafad ay ku badan tahay Soomaalida ee Toronto, warka Booliiska ayaa lagu xusay in ay u tageen Maxamed oo dhaawac rasas ay ku taallo isaga oo goobtaasna ku geeriyooday.
Booliiska bayaanka kasoo baxay laguma shaacin in marxuumka uu deganaa xaafadda lagu dilay ama magaalada Toronto, laakiin waxaa la sheegay in dhowaan uu soo galay dalka isaga oo ka yimid meel ka baxsan Canada, dilka ayaa nioqday mid walaac ku abuuray Soomaalida.




From the comments