U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogsatada Ruushka oo Ka Horyimid Putin iyo Afgambi Laga Cabsi Qabo

Hogaamiyaha maleeshiyada xoogstada ah ee dalka Ruushka ee  lagu magacaabo Wagner ayaa wacad ku maray in uu afgebin doono hoggaanka milatariga Ruushka ee uu hoggaamiyo Vladimir Putin, saacado uun ka dib markii Kremlin-ku ku eedeeyaya “jabhadeyn hubeysan.

Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in dagaalameyaashiisa Wagner ay kasoo gudbeen xadka Ukraine iyaga oo ku wajahan magaalada Rostov-on-Don ee Ruushka, waxaa uu sheegay in ciidamadiisu ay riiqi doonaan cid waliba oo isku dayda in ay ka  hor istaagto hadafkooda.

Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in ciidamadiisu ay soo rideen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin militariga Ruushka taasi oo “rasaas ku furtay kolonyo shacab ah”. Ma uusan sheegin goobta, sheegashadana lama xaqiijin karo isla markiiba.

Yevgeny Prigozhin iyo Vladimir Putin, ayaa Putin ayaa saacadihii ugu dambeysay waxaa ay warbaahintu qortay inuu jiro khilaaf xooggan oo soo kale dhex galay labada dhinac, waxaana sidoo kale meel sare gaaray cabsida laga qabo inuu dhici karo Afgambi lagu sameeyo Putin.

Goobjoog News