U bood dhigaalka

Taliska Cusub Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Xilka Lagu Wareejiyey

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa saaka xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka ayaa sidoo kale xilalka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali, wasiirka ayaa ku bogaadiyay taliskii hore howsha ay kasoo qabteen ciidanka xoogga dalka muddadii ay talada hayeen labadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  ayaa dhowaan magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka,iyadoo dhinaca kale uu dardar xoog leh ku socdo qorshaha dib u xoraynta dalka ee lagu bilaabayo  Wejigiisa labaad dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi  ayaa muddadii ay xilka hayeen waxaa ay qeyb ka ahaayeen dadaal dheer oo Al-shabaab looga saaray deegaanno badan iyo magaalooyin ay ku sugaayeen in ka badan 15 sano sida Xarardheere, Aadan Yabaal iyo Masjid Cali Guduud.

Goobjoog News