Askari Ku Lug Laheyd Muuqaal Interner-ka Lagu Baahiyay oo Maxkamd Ku Xuntay
Sheeko:Arrimaha Amniga
Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada. Waxaa lagu xukumay Seddax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.
Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.
Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa u sheegay warbaahinta xukunkan, isaga oo sheegay inaan la aqbali karin in ciidanku hubka ay ku cabsi galiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Goobjoog News