Goobjoog

Dad Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Kenya

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in shan qof lagu dilay weerar ka dhacay gobolka magaalo-xeebeedka Lamu oo ku dhow xadka Soomaaliya, kana tirsan gobolka Xeebta, Waxay sheegeen in afar ka…

Dad Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Kenya

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in shan qof lagu dilay weerar ka dhacay gobolka magaalo-xeebeedka Lamu oo ku dhow xadka Soomaaliya, kana tirsan gobolka Xeebta,  Waxay sheegeen in afar ka mid ah dadka la laayay la xiray kadibna qoorta laga jaray.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkan oo shalay dhacay. Waxay  sidoo kale dab qabadsiiyeen guryo la sheegay in ay ku  noolaayeen dad aan heysan diinta Islaamka.

Waxay sheegatay in tani ay jawaab u tahay go’aankii Kenya ay sannadkii 2011-kii ku sheegtay inay ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxdaas.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments