U bood dhigaalka

Muxuu Madaxweyne Muuse Biixi Ka Yiri Munaasabadda 26-ka June 2023?

Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo munaasibadda sannad-guurada 63-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobollada Waqooyi ee Somaliland xornimada ka qaadatay dalka Ingiriiska, ayaa waxaa kasoo qeyb gashay mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan madaxda ugu sareysa Somaliland.
Munaasibaddan waxa madaxweynaha kala qaybgalay shirguddoonka labada gole Baarlamaan, guddoomiyaha maxkamadda sare, madaxweyne-ku-xigeenka, xeer ilaaliyaha guud, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, diblomaasiyiin ka socda dalalka caalamka, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Ugu horrayn, fannaaniinta kala duwan ee qaranka, ayaa madasha ku daah-furay suugaan iyo majaajillo ay ku hogo-tusaalaynayaan qiimaha ay xorriyaddu leedahay iyo sida ay muhiim u tahay in la wada ilaashado.
Madaxda waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta, Mudane Maxamed Xasan Cali (Weji) oo halkaas ka hadlay, ayaa si kooban uga hadlay jawiga habeenkii xorriyadda la qaatay iyo sidii qaldanayd ee loo maamulay xorriyaddaas la qaatay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland lumisay fursad weyn oo ay sannado badan heliddeeda u tabcaysay.
Madaxweynuhu waxa uu ka digay in nabadda iyo xasiloonida la mijo xaabiyo, dhinacna laga doono ictiraaf iyo dawladnimo,“Isku heli mayno inaynu qaran noqonno iyo inaynu nabadda la dagaallano, iskuna heli mayno inaynu ictiraaf helno iyo inaynu kala dambaynta diidno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
 Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah uga hadlay shaqaaqada ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland iyo shacabkeedaba ay ka go’an tahay xoojinta nabad ka dhalata Laascaanood, waxana uu yidhi,“waa inaynu nabadda meel uga soo wada jeesanaa, anigu horaan u sheegay qarankuna waa isku raacsan yahay oo ma jiro qof reer Somaliland ah oo aan nabad ugu baaqaynin Laascaanood, waxana aan rumaysanahay dadka shicibka ah reer Laascaanood maanta iyagaa nabadda inoogu jecel, waayo dhibaato dibadda lagaga soo waariday baa ku dhacday.”
Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynaha qaranka oo ay hareera joogaan taliyeyaasha ciidamada kala duwan, madaxweyne ku xigeenka, shir-gudoonka iyo maxkamada sare calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo la saaray markii ay saacadda Geeska Afrika ahayd 12:00 Habeennimo, si loogu dabbaaldeggo 63-guurada kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska.
Goobjoog News