U bood dhigaalka

Muslimiinta Mareykanka oo War Cusub Kasoo Saaray Gabdhihii Soomaalida Ee Shilka Ku Dhintay

Qoysaska shantii gabdhood ee Soomaalida ahaa ee dhowaan ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee ee dalka Maraykanka iyo hay’adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka, ayaa dalab hor leh u gudbiyay maamulka gobolka.

Qoysaskaan ayaa dalbaday in baaritaan madax banaan lagu sameeyo wixii sababay iyo ciddii ka dambeysay shilkaasi, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay jiraan dad ay ku tuhmayaan shilkii dhacay in ay ku lug leeyihiin, taasna ay u dalbanayaan baaritaan.

Waxaa ay sheegeen inaysan ku qanacsanayan baaritaanka booliska magaalada Minneapolis maaddaama sida hay’addu sheegtay in kiisku ku leeyahay nin askari ah oo ka tirsan booliska magaaladaas. Jeylaani Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha hay’adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka u sheegay laanta BBC-da.

Gabdhahaan Shanta ah ayaa geeriyooday xilli ay kusii jeedeen goob xaflad ah, kadi markii gaari ka dabayimid uu si xowli ah ku jiiray, arrintaan ayaa noqotay mid si weyn u saameysay muslimiinta dalka Mareykanka iyo gaar ahaan dadka Soomaalida oo ay ka dhasheen.

Goobjoog News